Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay inay baajiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa.
Saadaq Joon ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee Maanta u joojiyeen sidii looga hortagi lahaa mudo kororsi ay sameeyaan Xildhibaanada golaha shacabka si looga hortago in khalalaase iyo amaan daro laga abuuro Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, waxa uuna caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni .
Jen Saadaq ayaa sheegay in amaanka Gobolka Banaadir isagu masuul ka yahay una dhaxeeyo muxaafid iyo mucaarad, waxa uuna xusay in masuuliyada saaran ay tahay xaqiijinta amaanka .
Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu qaato doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka dhacaya, uuna ka qeyb galo shirarka looga hadlayo doorashooyinka.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadalada uu jeedinayo, isla markaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/Wc4_1ec0aMc