Ra’iisul wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga caasimada Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadan la qaatay taliyeyaasha ciidamada.
Kulankan ayaa Ra’isul Wasaare Rooble warbixin ku aadan sida ay ugu diyaar garoobeen sugitaanka amniga magaalada Muqdisho kaga dhageestay taliyaasha Hay’adda amaniga, kuwaa oo Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay sida amaanka loo sugayo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amniga ku amray inay dardar-geliyaan xoojinta amniga Caasimadda dalka inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo xiliyada qaarkood ay dhacaan falal amni darro.
Waxa uu sidoo kale Rooble ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada amaanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan shacabka una turaan, isagoona laamaha amaanka ku amaanay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ka shaqeynta amaanka.
Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada ramadaanka mararka qaar waxaa ka dhaca falal amaan daro oo isugu jira dilal qorsheesan iyo qaraxyo, waxaana inta badan bisha ramadaan ciidamada amaanka la galiyaan feejignaan dheeri ah si amaanka u xaqiijiyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com