Allbanaadir.com
NEWS

Amaanka Villa Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay kadib tuhun laga qabo Mudo kororsi

Waxaa saakay si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta lagu wado in uu ka dhaco kulan ay leeyihiin Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaasay.

Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray wadooyinka gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuwaa oo dadka u diidaya in ay halkaasi maraan, waxa ayna ciidamada si weyn u hubinayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta.

Waxaa sidoo kale Isgoosyada magaalada Muqdisho qaarkood lagu arakayaa ciidamo badan oo sugaya amaanka inta uu socdo kulanka ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamanbaka Soomaaliya.

Kulanka maanta leeyihiin Xildhibaanada golaha shacabka oo looga doodayo mooshin ka dhan ah heshiiskii doorashooyinka ayaa laga cabsi qabaa in lagu laro mudo kororsi labo sano ah taa oo ay isla wadaan Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo go’aan adag ka qaatay Milateriga la wareegay awooda dalka Sudan

Caydiid Ali

Maxay Cali Guudlaawe & xubnaha la socday ku soo arkeen degaanka Guulane? (Sawirro)

Caydiid Ali

Odayaal caan ah oo loo diiday iney ku laabtaan Belad-Xaawo & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali