Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa laga filan karaa Shirka Amniga Qaranka ee ka socda Baydhabo ?

Danjire  Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka faalooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa rajo xumo ka muujiyey shirka golaha amniga qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo oo u dhaxeeya madadxa ugu sareysa dalka.

Shirka ayaa mid looga hadlayo arimo masiiri ah sida: Wadaaga Kheyraadka Dalka, dhisidda ciidamada xoogga, hergelinta  iyo dhameystirka dastuurka dalka ee loo dhan yahay, Amniga guud ee wadanka, khilaafka u dhaxeeya madaxda dalka iyo arimaha Khalej-ka.

Danjire caalim oo arimahani so qoto dheer uga hadlay ayaa waxa uu sheegay  in shirkan iyo kuwa lamid ah ay ka dhaxeen gudaha iyo dibadda dalka balse aanay ka soo bixin wax natiijo ah isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo shir walba waxa kasoo baxa, balse aan la dooneyn shir qoraal ku eg.

Dhibaatada ugfu weyn ee heysta Shirka nuucaan oo kale ah ayaa danjire Caalim waxa uu sheegay iney tahay fulin la’aanta heshiisyada Qaran ee la gaaro, iyo dhaqan gelin la’aan madaxada hormuud u yihiin.

“Madaxda dalka wey isbadasha  laakiin siyaasasdda isma badasho,”  ayuu yiri Aqoon yahay  Caalim oo ka faalooda arimaha siyaasadda guud ee dalka.

Wasiiradda ugu biqbrada yar ayaa loo magacaabaayaa wasaaradda gaashandhigga iyo ciidamada qalabka sida taa oo wiiqeysa rajada ah in la dhiso ciidamo dhameystiran oo awood leh sida uu sheegay siyaasiga.

Shirka ka furmay Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur galbeed oo looga hadlayo  Amniga Qaranka Soomaaliya waxaa ka soo qeyb galay dhamaan madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo shirka furay ayaa sheegey in shirka xoogiisa lagaga wada hadli doono Amniga sidoo kale ay soo raaci doonaan Siyaasada iyo Wadaaga kheyraadka Dalka.

Gorfeyn badan kadib ilaa imika  waxaa la isku mari waayey qodobada Amniga , Habka Doorashada 2020 iyo Siyaasadda halka la isoogu soo dhawaadey wadaaga kheyraadka dalka.

Dowlad goboleedyadu waxay codsadeen in 174 kunteenar oo rasaas ah oo ay dowladu xamar ku hayso loo qeybiyo Ciidamada Dowlad goboleedyada si loo xoreeyo deegaanada shabaabku ka taliyaan.

In lacagaha magac amniga ay ku heshay dowladu ee ku jira bankiga dhexe waaba haddii ay taalee la qeybsado si baahida ciidanka ee dhanka saadka loo daboolo.

Qodobadan oo idil Farmaajo iyo kheyre way diideen illaa haddana ayaga ayaa la tashi isoogu maqan sida la sheegey.

Shirka Brussels

* Dowlad goboleedyada ayaa diidan in laga helo saxiix lagu tago shirka Juun ka dhici doona magaalada  Brussels ee dalka BIiljimka taas oo ay maamuladu kuwada casuumanyihiin lagana yaabo inay diidan inay ka qeybagalaanba.

-Khilaafka Khaliijka:-

* Dowlad goboleedyada ayaa codsadey In Dowladu sameyso gudi dib u eegid ku sameeya Arrinta Khaliijka oo ay Dowladu dhexdhexaadnimadii ka baxdey si dib loogu firiyo go’aanka ugu haboon ee arrimaha Khaliijka , Madaxweynaha iyo Ra’isul wsaaraha ayaa la tilmaamay ineey ka madax adaygayaan wali ayada oo uu Fahad yaasiin isla maanta u duulayo Dooxa oo aysan macquul noqon karin in go’aankii hore laga laabto.

– Shirka Baydhabo ayaa u muuqdaa shirkii loogu kala aragtida duwanaa ee u dhexeeya Dowladda iyo Maamulada maadaama aysan jirin illaa hadda hal qodob oo la isla meel dhiga oo maantana lagu wado inuu soo idlaado.

-Farmaajo iyo Kheyre ayaa hadda kujira waqti adag maadaama ay ku ceeb tahay labadoodii oo taagtaagan shirkii oo aysan waxbo kasoo bixin in diyaaradaha lakala raaco .

-Axmed madoobe iyo Farmaajo ayaan wali is arkin wada hadalna dhexmarin loo kala dabqaadayaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa xalay ka dhacay degaanka Kaamjaroon ee J/hoose?

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo khilaafka Doorashada kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday Xabsiga Dhaxe ee Xamar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---