Waxaan aad uga naxay warqad Farmaajo u qoray UNka oo ahayd mid xaqiraad, quursi iyo faquuqidba mudneyd. Haddii aad maangaab, laangaab, iyo macangeg aad soo aruursatid oo ay kuu noqdan qubaro, qiimahaagu wuxuu noqonayaa midaan helin maamuus tixgelin leh.
Warqada kuma aysan qorneyn luqad diblomasiyadeed, sida aan maleynayana ma ahayn mid loogu talagalay urur caalamiya oo bixiya aqoonsiga madaxbanaanida dalalka adduunka oo dhan. Warqadu waxey u sheegeysaa UNka in Soomaaliya ay tahay dal madaxbanaan. Adigu maxaad ku qiyaasi lahayd qof madoow oo ay dadku wada arkayaan midabkiisa madow, qofka raba inuu dadka tusiyo qofkaas midabkiisu inuu madow yahay?
Haddii aad baartid keydka waraaqaha ay Soomaaliya u dirto UNka, ku arki meysid nuqulka warqadaas, taasoo la macno ah in qashinka lagu daray. qoraalka warqadaas wuxuu u muuqdey mid loogu talagalay oo ku socotey baraha bulshada, kuwooda taageersan Farmaajo. Unka ma mooga dowladda Farmaajo inuu dhamaday sharciga ay xiriiro caalamiya ku geli karto ama ay caalamka wax uga dalban karto.
Farmaajo waxaa isaga qaldan madaxbanaani dal iyo mid shaqsiyadeed, waayo warqadaas wuxuu ku dalbanayey in isaga madaxbanaanidiisa Unka aqoonsadaan oo taas bedelkeeda ay geliyaan mida Soomaaliya, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa hanti uu leeyahay Farmaajo. Talo maskax liidata iyo borobagaandada qoraalada baraha bulshada ee loo dirayo caalamka waa isxayeysiin raqiisa oo qabweyni dhalanteeda qaraw lagu dhex dhisayo.
Soomaaliya waxey madaxbanaani buuxda heleysaa marka ay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan ay si buuxda dhan walba uga gaarto iskufilnaan. Soomaaliya waxey ku jirtaa geedisocodka ay gobonimo buuxda ku gaari lahayd. Ilaahey taas ha kula garabgalo. Waan madaxbanaanahay lacagta Qatarna waxaan ku maamulanayaa laaluushka lagu dilayo madaxbanaanida dowladnimada Soomaaliyeed waa hadal ka soo curanaya aqoongaab, maangaab ah oo laangaab.
W/Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga dadka ahna,
Musharax doorashada Madaxtinimada Somalia