Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Somalia oo beri kulan ka yeelanaya Mooshin la xiriira doorashooyinka

Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa Berri shir degdeg la isugu yeeray xildhibaanada, iyadoo la sheegay in looga hadli doono Mooshin laga keenay Doorashooyinka Qaranka.

Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu yiri: “Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah oo ay Taariikihdu tahay 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka, Agendaha waa Ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka Saacadu waa 09:00 subaxnimo..”

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Berri la qorsheeyay in Mooshinka laga akhriyo kulanka, kaasoo ka hadlaya doorashooyinka mar haddii lagu heshiin waayay Doorasho dadban in dib loogu laabto Doorasho Qof iyo Cod ah muddo laba sano ahna ay ku diyaariyaan Guddiga Doorashooyinka Qaran.

Arrintan ayaa ka dhigan in Golaha Shacabka kaliya uu ku dhaqaqi doono muddo kororsi wax badan looga digay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo qalalaase ka abuuri kara dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Galmudug oo xiray Masjid kuyaala Galmudug iyo Wasaarada Amniga oo kahor timid

Cabdi Cade

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarameynta Ciidamadii Ahlu Sunna laga wareejiyay oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---