Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tallaalka SINOVAC oo Muqdisho la keenay & Wasiirad Fowsiya oo guddoontay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abiikar Nur ayaa Maanta Tallaalka  SINOVAC oo ka mida Tallaalada ka hortaga Covid-19 ka Guddoonaty Safiirka Dowllad China u fadhiya Soomaaliya Ambassador Qin Jian.

Tallaalka ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cabdulle Cismaan waxaaana Munaasabdda la wareegidda Tallaalka Goob Joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya  Cismaan Abuukar Dubbe, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Ahmed Hussein Moalin. iyo Madax ka socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha,  Wasaaradda Arimaha Dibidda Iyo Agaasimayasha Wasaaradda Caafimaadka.

Tallaalka SINOVAC ee maanta soo gaadhay Dalka ayaa dhan 200,000 doos oo la rajeynayo inay qaataan ilaa 100,000 qof  oo u kala qaadan doona dooska 1aad iyo dooska 2aad

Wasiirka Waasaradda Caafimaadka ayaa u mahadcelin u jeedisay Dowlada China iyo Ambassador Qin Jian, Dowladda Shiinaha ayaa siinaysa Talaalkan ilaa 53 Dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Tallaalka Sinovac ayaa Soomaaliya ka caawin doona ka hortagga COVID-19.

Related posts

Soomaaliya oo 32 sanno kaddib ka qeyb gashay Shirka Global Payment Week

Cabdi Cade

Somaliland oo xirtay haweeney dalbatay iney dhexmarto Suuqa iyadoo qaawan

Caydiid Ali

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Laascaanood iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---