Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo Dowlada federaalka maanta ku wareejisay Maxaabiis ku xirneed Garawe

Munaasabad Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Dowlad Goboleedka Puntland ay Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug ku wareejiyeen Maxaabiis u xirneyd Burcad Badeednimo.

Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaareysa 15 rag ah ayaa waxaa xabsiga Garoowe ku xirnaayeen in ka badan 10 Sano, waxaana Puntland horay ugu soo wareejiyay kadib heshiis dhex-maray Jasiirada Seychelles ,si ay xukunkooda ugu dhameystaan magaalada Garoowe.

Maxaabiista oo kasoo jeedaan degaannada Galmudug ayaa Wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan Maamulka Galmudug ay dadaal farabadan u galeen sidii Maxaabiista loogu soo wareejin lahaa, balse Puntland ay ogolaatay inay ku wareejiso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ku wareejiyay Maxaabiista, kuwaas oo la keeni doono Magalada Muqdsho.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Maxaabiista ay u gudbin doonaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay xukunka ugu dhameystaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiistan ay heli jireen xuquuqdooda isla markaana muuqaal ahaan ay aad u wanaagsan yihiin , waxaana uu xusay in uu ay heli doonaan xuquuqda uu sharciga siinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah jidadka burbursan ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameynayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo booqday Deegaanno uu ku fatahay Wabiga Jubba (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo heshiisiiyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---