Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si adag uga hadashay Lacag Dowlada Federaalka ugu deeqday Somaliland

Maamulka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay lacag dhan Hal Malyan oo Dollar oo Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu deeqday maamulka Somaliland si loogu taageero dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay Duufaantii ku dhufatay Bariga Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, C/laahi Cali Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garawe ayaa sheegay in lacagta loogu deeqay Somaliland ka cabsi qabaan in ay ku huriso colaada iyo dagaalada ay kala soo horjeedo Puntland.

Waxa uu sheegay Wasiirka in maamulkooda uusan ka xumeyn in lacagtaasi loogu gar gaaro dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay duufaanta balse ka xun yihiin in lacagtaasi Hormuud ka yihiin R/Wasaare kuxigeenka Somalia iyo Wasiirka Maaliyada kuna dhacdo gacanta Muuse Biixi.

”“Puntland waxay u aragtaa in lacagtaasi tahay mid kaash ah oo gacanta laga saaray Muuse Biixi iyo maamulkiisa lagu hurinayo dhibaatada ka taagan Sool iyo Sanaag, annaga ka Puntland ahaan waan cambaareyneynaa, waxaana u aragnaa mid lagu dhibaateynayo Puntland iyo shacabkeeda, Puntland duufaantu wey ku dhufatay, waxaa degay 9 doonyo oo u rarnaa reer Puntland, Laashash kalluumeysi ayaa degay, kumanaan guri ayaa dumay” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka Soomaaliya in aysan dhax dhaxaad aheyn ayna qeyb ka noqotay colaada ka dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayna garab siineyso maamulka Somaliland.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Xukuumada Soomaaliya uu Madax u yahay R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa shalay lacag hal Malyan Dollar ugu Deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay duufaano ku dhuftay Bariga Somaliland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey Xeer cusub oo Muhiim ah

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad Basaas oo dowladda Mareykanka leedahay

Cabdi Cade

Khilaaf ba’an oo ka dhex qarxay Wasarada Isbooriga DF & Xirirka K/Cagta Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali