Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo baaq ku aadan Shirka Afisiyooni u dirtay Madaxweyne Farmaajo

Xili dowlada federaalka Soomaaliya shaacisay in uu bur buray fashilna kusoo dhamaaday shirkii Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada uga socday Teendhada Afisiyooni, ayaa maamulka Puntland dhankooda aaminsan yihiin in shirkaasi uusan wali bur burin.

Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Debaraani ayaa sheegay in maamulkooda wali fadhiyaan gogosha taal teenadhada Afisiyooni , waxa uuna ugu baaqay Afhayeenka in Madaxweyne Farmaajo kusoo laabto gogosha uusan fashilin shirka.

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isbaheysi leh ayaa horey u sheegay in aysan ogeyn meel uu shirka ku fashilmay, waxa ayna dowlada federaalka ku eedeeyeen in iyagu doonayaan fashilinta shirkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabbe Wiilashiisa dil iyo dhaawac u geesteen Al Shabaab oo la garab istaagay

Cabdi Cade

Nin ka badbaaday weerarkii New Zealand laguna dilay Xaaskiisa oo cafiyay Dilaaga ! (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay sargaal katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---