Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Qoraal xasaasi ah u dirtay Golaha Amaanka ee Q/M

Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa qoraal jawaab u ah hadal ay golaha amaanka ka sheegtay March 31 u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

Qoraalka dowlada u dirtay Linda Thomas-Greenfield ayaa lagu sheegay in Soomaaliya xiligan wajaheyso caqabado ka dhashay khilaafka doorashada, waxaana qoraalka lagu xusay  in rajo laga qabo in caqabadaha laga gudbo iyada oo wadahadal loo marayo.

Wasaarada arimaha Dibadda qoraalka ay u dirtay golaha amaanka ayaa lagu sheegay Doorashadu ay tahay arrin Soomaalida dhex taalla lana ixtiriaamo madax banaaninada Qaranimada Soomaaliya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalkan ugu sheegtay golaha amaanka in uu taageero madax-bannaanida Soomaaliya, wadajirkeeda, lana ilaaliyo shuruucda caalamiga ah ee kahor imaanaya fara gelinta shisheeye.

Halkan ka Akhriso qoraalka DF u dirtay golaha amaanka 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade

Khilaaf soo kala dhex galay Laftagareen & Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo

Caydiid Ali

Saraakiil ciidan oo xabsi la dhigay iyo faah faahino kasoo baxaya Sababta loo xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---