Dowlada Somalia ayaa dalacsiisay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanada Bariire iyo Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo dhowaan iska caabiyey weeraro xoogan oo ay ku soo qaadeen xoogaga Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa ayaa dalacsiiyey Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ciidamadii ku sugnaa labadaas degmo.
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeenadda, iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay
Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dalacsiinta ay ku muteysteen difaaca dadkooda, dalkooda iyo diintooda, sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayuu sheegay iney ka go’antahay dib-u-dhiska, Tayeynta iyo dhiiragalinta CXD.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaalo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS oo wada qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo argagixisadda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com