Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qasriga Boqortooyada Ingiriiska oo shaaciyey in uu geeriyooday Prince Philip (Sawirro)

Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II ninkeeda, Prince Philip ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle. waxayna boqoradda isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

“Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca DF oo arrimo muhiim ah kala hadlay Saraakiil ka tirsan EU (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo saxiixay saddex Hindise Sharciyeed (Akhriso)

Cabdi Cade

DEG DEG: Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---