Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Galmudug oo ka hadlay Khilaafka Madaxda Galmudug iyo saameynta uu reebay

Maamulka Galmudug waxaa xiligan ka taagan Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa maamulkaasi, waxa uuna maamulka Galmudug hada u kala jabay labo garab oo xarumo ka kala dhigtay Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

Wasiiru Dowlaha Maareynta Musiibooyinka Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay in khilaafka mar kale kasoo cusboonaaday Galmudug uga sii dareyso xaalado adag oo ka jiray deegaano maamulkaasi katirsan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalooyin iyo deegaano katirsan Galmudug kusoo qaxeen dad uu sheegay in ay kasoo barakaceen deegaano Al Shabaab maamulaan oo hoos taga Degmooyinka, Ceelbuur , Ceeldheer iyo Xarardheere.

Wasiirka ayaa xusay in dadkaasi dhibaato kala duwan ku heesato deegaanada ay soo gaareen uuna  roobabka ka dumiyay buushash ay dhisteen, waxa uuna tilmaamay in khilaafka Galmudug sababay in dadkaasi aan loo gar gaarin lana soo hadal qaadin.

Siciid Cabdi Faarax ayaa ugu baaqay Madaxda Galmudug in ay deg deg u xaliyaan khilaafkooda kana shaqeeyaan sidii Galmudug dhibaatada looga saari lahaa, waxa uu sidoo kale dowlada Soomaaliya ugu baaqay in gar gaar lasoo gaaraan dadka dhibaateesan.

Ugu Dambeyn Wasiir Siciid ayaa sheegay in Khilaafka ka jira Galmudug loo baahan in laga shaqeeyo sidoo loo xalin lahaa, waxa uuna ka codsaday labada dhinac ee iska soo horjeeda in si hoose u wada hadlaan una tanaasulaan Jiritaanka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay heshiiskii Berbera, kana digay in la hor istaago horumarka Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Shan Ruux (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade