Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Somalia oo War ka soo saaray caruur Meydkooda laga helay Baydhabo

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa ka hadlay Laba caruur ah walaalo ah oo saaka aroortii meydkooda laga heley duleelka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Caruurtaasi oo wiil iyo gabar ahaa Cabdul-Mudcim Aweys C/llaahi oo 9 sano jir ah iyo Aamina Aweys C/llaahi oo 7 sano jir ah ayaa warku intaa ku daray in meydka jirkooda uu ka muuqday dhaawacyo toorey ah oo loo adeegsadey, isla markaana lala baxay xubno muhiim ah oo jirkooda ka maqnaa.

Caruurtaasi ayaa lagu waramay inay gurigooda ka maqnaayeen  in ku dhow labaatan saac sida uu xaqiiqijey Aabaha caruurtaasi oo ah Aweys C/liaahi.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayey ku sheegeen iney ka war hayaan dhacdadaasi kana xun yihiin, iyagoo xusay iney wadaan baaritaan xooggan oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah si sharciga loo marsiiyo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Taliyaha Xoogga dalka ku soo arkay Xerada Jen. Kaanti ee deg. Cadaado? (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya Dil goordhaw ka dhacay afaafka hore ee xarunta Degmada Waabari 

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xooganaa ee goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---