Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Caruur & dad kale oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Booliska ayaa sheegay in shan qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku dhinteen toogasho ka dhacday gobalka South Carolina ee dalka Maraykanka

War ka soo baxay Booliska ayaa intaas ku daray in qof kale oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka loo qaaday isbitaalka.

Dadka dhintay waxaa ugu weyn qof 70 jir ah waxaana u yar cunug jira 5 sano sida lag soo xigtay laamaha denbi baarsita ee Mareykanka.

Howlgal ay Booliska sameeyeen ayay mar danbe ku soo qabteen qof lagu tuhunsan yahay inuu weerarka geystay  oo ku dhuumanayay guri u dhaw goobta ay wax ka dhaceen.

Lama oga sababta ka dambeysa toogashadan oo nooceeda ay sanadahan dambe ku soo badanayeen gudaha Maraykanka, waxaana socda baaritaano Boolisku wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dadka doonaya in ay la kulmaan Ra’isul Wasaare Rooble oo lacag laga qaadayo !!

Cabdi Cade

Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

Cabdi Cade

Gabar uu dhalay Elman oo lagu dhax dilay xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---