Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka labo Caruur ah uu dhalay Xildhibaan hore oo laga helay duleedka Baydhabo

Wararka aan ka helnay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in saakay duleedka magaaladaasi lagu arkay meydadka labo caruur ah oo la dilay

Labadan caruur ee meydkooda la helay ayaa la sheegay in uu dhalay Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii sagaal oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullaahi, waxaana dhacdadan argagax badan ka abuurtay magaalada Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay labadan caruur ayaa shalay la waayay xili loo diray dugsi quraan ay dhiganayeen, waxaana saakay duleedka magaalada Baydhabo lagu arkay caruurtan oo toorey lagu dialy.

Ciidamada booliiska Baydhabo ayaa durba bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan falkan argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana arintan cabsi ka abuurtay magaalada Baydhabo oo horey uga dhaceen dhacdooyin kale oo argagax leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo Go’aan ka dhan ah Xildhibaanada soo saartay iyo Qoor Qoor oo Waji kale lasoo baxay

admin

Wasiirka amniga DF oo hal arrin ka codsaday khubaro ka socotay dowlada Serbia (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo ka walaacsan xaalada cakiran ee ka taagan Maamulka Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---