Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo qaadeysa talaabooyin kadib fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni

Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa bilaabay in ay yeeshaan kulamo hoose ay uga arinsanayaan talaabooyinka ay qaadayaan maadaama uu fashil kusoo dhamaaday shirkii garwadeynka ka aheyd ee ka dhacay teendhada Afisiyooni .

Sida aan xogta ku heleyno wakiilada beesha caalamka oo kuwooda ugu tunka weyn joogaan xerada Xalane ayaa kulamo ay yeesheen wax iska weediiyay talaabooyinka xiga ay qaadi karaan hadii lagu kala tagay shirkii Afisiyooni ka socday.

Wakiilada beesha caalamka ayaa la sheegay in marka hore kulamo xog wareesi ah la qaadanayaan dhinacyadii shirka quseeyay kadibna ay soo saari doonaan go’aan ay ku cadeenayaan mowqifkooda iyo talaabada xigta ee la qaadi karo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Beesha caalamka u aragto dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay caqabad ku yihiin in dalka ka dhacdo doorasho iyaga oo isku haya dano iyaga u gaar ah.

Beesha caalamka ayaa qoraalkii ugu dambeeyay ee soo saareen ugu baaqay madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in ay u turaan dalka ayna gaaraan heshiis taa oo meesha ka baxday dhagahana ka fureesteen madaxda shireysay.

Xeel dheerayaasha siyaasada falanqeeya ayaa rumeesan in Beesha caalamka markan looga fadhiyo in ay cadeeso mowqifkeeda ayna ka shaqeyso in dalka doorasho aado ama raali ka noqoto in damaca Farmaajo ee mudo kororsiga ah uu shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibeda DF oo kulankii ugu horeeyey la qaatay James Swan (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Haruse oo ka qeyb galay Shir Arrimo taagan looga hadlay oo ka dhacay Masar (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo iska soo riday Diyaarad dagaal oo ay iyagu leeyihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---