Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa si ka duwan sidii loogu tala galay hada u shaqeysa, kadib markii xilka Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya loo magacaabay Cusmaan Dubbe oo si weyn ugu ololeenaya dib u doorashada Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.
Bogga Facebooka ku leeyahay Idaacada Qaranka ee Radio Muqdisho ayaa lagu baahiyay qoraal hadal heyn badan baraha bulshada ku abuuray kaa oo si weyn loogu dhaliilayay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Qoraalka lagu daabacay Bogga Radio Muqdisho ayaa la isku weediiyay awoodaha ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland kala hadlayaan Dowlada federaalka maadaama maamuladaasi diideen in dowlada ku wareejiyaan, ciidanka iyo ilaha dhaqaalaha.
Dad badan oo qoraalkan akhristay ayaana siyaabo kala duwan uga falceliyay, waxa ayna dadka badankooda sheegeen in laga fiican yahay in Warbaahinta Qaranka ka weecato wadadii sharciga aheyd ayna noqoto mid rabitaanka shaqsi xiligan ku shaqeysa.
Halkan ka Akhriso Qoraalka lagu daabacay Bogga Radio Muqdisho
Madaxweynaha Puntland Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe maxay tahay awooddaha Madaxda Dawladda Federaalka ay ka hadlayaan in la dhimo maadaama labaddaa maamul goboleed ay horey u diideen :-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com