Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo soo bandhigay dagaalame lagu qabtay dagaal xalay ka dhacay Baardheere (Sawirro)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay gallinkii dambe weerar xoogan waxa ay ku qaadeen fariisin ciidanka Milatariga Soomaaliya ku lahaayeen Buundada degmada Baardheere.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labada dhinac ayaa goobtaasi ka dhacay daqiiqado badan, waxaana dagaalku istaagay markii ay dib u laabteen dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Baardheere.

Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax oo ah abaanduulaha Guutada 10aad ee Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baardheere ayaa sheegay in Al Shabaab ku jabiyeen dagaalkii ay kusoo qaadeen Baardheere.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in dagaalkaasi ku dileen 10-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale qabteen dagaalyahan nool, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ay ku daba jiraan firxadkii Al Shabaab.

Ciidamada Milatariga ayaa saakay degmada Baardheere kusoo bandhigay askari katirsanaa Al Shabaab oo gacanta u galay ciidamada amaanka, waxaana magaca ninkan la qabtay lagu sheegay Ibraahim Maxamed.

Xaalada Baardheere ayaa saakay degay kadib dagaalkii xalay ka dhacay, dadka magaalada ayaana saakay aad u hadal haya dagaalkii xalay iyo waliba khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey dagaal culus oo ka socda deegaanka Baarsanguuni

Caydiid Ali

Mareykanka oo digniin ka soo saaray isticmaalka Maraakiibta ee Badda cas

Caydiid Ali

Afar Xisbi siyaasadeed oo War wadajir ah kasoo saaray xaalada amaan ee Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade