Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Sudan oo baabi’say sharci ka dhan ahaa maamulka Isra’il

Dowlada Sudan ayaa mudo 63-sano kadib meesha ka saartay sharci diidayay jiritaanka dowladnimada Israa’il, waxa ayna dowlada Sudan talaabadan u qaaday sidii ay xiriir toos ah ula yeelan laheyn maamulka Isra’il.

Kulan ay shalay oo talaado ah yeesheen golaha Wasiirada Xukuumada Sudan ayaa meesha looga saaray sharcigan kahor imaanayay in la aqoonsado Israil sidoo kale xiriir toos ah lala yeesho maamulkaasi.

Xukuumada Sudan go’aankan ay shalay gaartay ayaa ah mid ay ku dooneyso in Isra’iil ula yerelato xiriir ganacsi iyo mid diblumaasi , bilooyin kadib markii ay heshiis hoose gaareen dowlada Sudan iyo maamulka Israa’il.

Dowlada Sudan iyo dowlado kale oo Carbeed ay ku jirto Imaaraadka Carabta ayaa horey meesha uga saaray sharciyo diidayay in xiriir la yeeshaan maamulka Isdraa’il kadib heshiisyo dowladahaasi la gaareen maamulka Isra’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Cabdi Cade

Riyadii Quruxda badneyd ee Jiifka iidiiday, Allow Run ka dhig !!! .

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo shir xasaasi ah la qaatay danjiraha Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---