Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhex bilowday Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya

Wararka ka imaanayo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo qowmiyada Canfarta uu ka dhacay galbeedka Gobolka Sitti.

Dagaalada ayaa sida ay wararku sheegayaan u dhaxeeya ka dhacay degaano hoos yimaada Tuliguleed halkaasoo khasaaro laga soo sheegayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa sidoo kale saameeyey tuulooyinka ku teedsan xadka Soomaalida ay la wadaagto Canfarta oo qaarkood aga barakacayo.

Canfarta ayaa Soomaalida ku haysata degaanno ka tirsan Galbeedka Gobolka Sitti oo ay horay u siiyeen Maamulkii TPLF oo degaanno badan oo Soomaaliyeed ku kala daray Maamul-goboleedyada deriska la ah Gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya maamausho.

Shacabka magaaloyinka dowlad degaanka Soomaalida ayaa bilaabay gurmad loo sameeynayo Ciidanka Liyu Police ee gobolka, iyadoo ay dadwaynuhu dhiig u shubayaan ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalkan oo ahaa kii ugu weynaa ee labada dhinac dhexmara muddo sanado ah.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca dowladda oo la xiriira dagaalka oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada gaar ah ee labada maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Dubbe oo si adag uga jawaabay Eedeyntii loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Qoys ka kooban shan ruux oo lagu laayey degaan hoos taga gobolka Mudug

Caydiid Ali

Banaan bax balaaran oo goordhaw ka dhacay magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---