Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan), Maxkamada gobolka Banaadir ayaana aqbashay in gal dacwadeedka Janan la xiro.
Talaabada dowlada Soomaaliya ku cafisay kuna xirtay gal dacwadeedkii Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaana hadal heyn badan abuurtay, waxaana dad badan oo ka falceliyay talaabadan ku tilmaameen mid cadaalad daro ah.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si dadban uga hadlay go’aanka xeer ilaalinta Qaranka u xirtay dacwadii loo heestay Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in cadaalad darada iyo dulmiga uu horseedayo bur bur .
Halkan ka Akhriso qoraal uu arintan uga hadlay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com