Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xafiiskiisa kula kulmay Xuseen Caydiid (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Somalia Xuseen Maxamed Caydiid.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho nabdoon oo daah furan, ilaalinta dowladnimada, xasilloonida iyo nabadda dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Xuseen Caydiid oo oo kulankaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyey isagoo ku baaqay inay garab istaagaan nabadda iyo dowladnimada.

Xuseen Caydiid oo sanado badan ka maqnaa masraxa siyaasada dalka ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo DF ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Somaliland oo war ka soo saartay baaritaan ay ku sameysay Meydka C/naasir Dahable

Caydiid Ali

Farxiyo Falfaloos oo dib u heshay kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---