Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor-qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowaladda  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Nuur gacal, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Qoor-qoor ayaa ka qeyb galayey shirka hordhaca ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maalintii labaad shalay soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa Talaadada beri ah.

Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in Madaweynaha maamulka uusan caasimada Galmudug ka maqnaan karin wax ka badan 15 cisho, Wararka qaar ayaa sheegaya in Safarka Qoor-qoor uu arrintaas la xiriiro, uuna ku soo laabanyo Muqdisho isla maalinta beri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Caalami ah la gashay Hay’adda IATA (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo ka bilowday magaalada Garawe iyo Baarlamaanka Puntland oo Sabab u noqday

admin
Taboola Ads ---