Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiga Soomaalida Ma sidaan baa daacad ka ah ? !!!

Siyaasiga Soomaaliga ah marka hore wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaa sidii uu xil dowladeed ku heli lahaa. Xaaraan iyo xoolo wuxuu heli karo ayuu ku bixiyaa. Xigto iyo xigaalo ayuu u xaajo doontaa, haddii kalena inuu xinjir u daadiyo ayaa suurogal ah.

Marka uu xilka helo wuxuu noqdaa muwaadin, mu’min inta kasoo horjeeddana wuxuu arkaa, khaa’iniin, qabyaalediisteyaal iyo kuwo qaran dumis ah.

Wuxuu difaacaa maamulka uu qabtay ama qaybta ka yahay. Dhibaatada ka jirta waa ka indha laabtaa, xaashaa inaad ka maqasho wax xumaan ah, beddelkeed amaan afka-baarkiisa ah asii aan qalbiga jirin ayuu ammin iyo enerji ku bixiyaa.

Ma danbaabin dhabtii ninkii yiri ”siyaasaddu sariig maleh” Muddo kadib badankood marka xilka laga qaado, markuu meel cidlo kaga dhaco maamulkii uu ka tirsanaa, ayuu bilaabaa cambaarayn, ceebayn, colaadin, iyo cabasho ka dhan ah maamulkii uu in muddo ah ka tirsanaa. Maalin walba isagoo aad mooddo Harqaan dunta ka tartaraya ayuu weerar af-sakiin ah ku qaadaa asxaabtii intuu madaxda ahaa sidii raha isla xareedayn jireen. Hebel oo kale, magaciisa ma sheegi karee waa buuxaan.

Waxaan is waydiiyay waydiimahan, warcelintoodana aan idinka idin daynayo.

Haddiiba ay dhab tahay dhaliisha ka dhanka ah maamulkii uu ka tirsanaa, muxuu uga tagi waayay markii uu arkay ceebaha uu taxayo markaan isagoo aan xil haayin haddii uu wax ka beddeli waayay? Muxuu isku casil waayay haddii ay u cuntami waysay sida wax u socdeen? Muxuu u sugay inta xilka laga qaadayo ama uu ka dhamaanayo midka uu hayo? Muxuu bulshada ula wadaagi waayay waxa jiray inta uu madaxda ahaa?

Sidee macquul ku tahay in la aamino wuxuu afkiisa ka dhowray intuu xilka hayay maanta oo uu xil la’aan yahayna meelaha kaga addimayo?

Haddii qofka markii hore ahaa adeege, kaboqaad, jeeb ku jire,  nacamleeye ah, sidee qowlkiisa maanta oo uu xil la’aan yahay qiimo ku yeelana karaa?

Mise sheekadu ama ood sukeyso, doqontu markay god ku dhacdo bay wax garataa!

W/Q. Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

FB: Abdinasir Safaana

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Su’aalo lagu weediinayay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Qalbi dhagax oo ku dhowaad sanad ka dib waqti la qaadanaya qoyskiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo si xirfedeysan looga xaday boorso ay ka buuxday lacag

Caydiid Ali
Taboola Ads ---