Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Soomaaliya oo taageertay Xariga Xubno uu ku jiro Amiir Xamza Bin Xuseen

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa taageero mug leh u muujisay Boqortooyada Urudun oo laga soo warinayo khalalaase siyaasadeed, kadib markii Boqortooyada xir xirtay xubno uu ku jiro Boqorka Walaalkiis oo looga shakiyay shirqoolo.

Ciidamada ka amar qaata Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa xabsi guri galiyay Walaalkiis dhaxal sugihii hore ee Boqortooyada Urdun Amiir Xamsa Bin Xuseen, kadib markii lagu eedeeyay in uu doonayay in uu khalalaase ka abuuro dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaana taageero loogu muujiyay Boqor Cabdallaha Urdon, waxa ayna dowlada soo dhaweesay talaabooyinka iyo go’aanada adag uu qaatay Boqorka Urdun.

“Iyada oo la eegayo xiriirka soo jireenka ah ee nagala dhaxeeya Boqortooyada Urudun, Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa xabsi galisay masuuliyiin hore iyo amiiro lagu eedeeyay in ay maleegayeen shirqoolo ka dhan ah Boqorka, waxaana talaabadan taageero u muujiyay inta badan wadamada Carabta oo garab istaag u muujiyay Boqorka Urdun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo daahfuray dhismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wiilka Madaxweyne Biden oo Maxkamad ka hor qiranaya labo dambi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---