Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka Wadamada Khaliijka oo la sheegay in khatar ku yahay Xasiloonida Soomaaliya

Ururka xasaradaha adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya saameyn ku yeelatay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Wadamada Khaliijka Carabta , waxa uuna Ururku sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed labada dhinac lakala safteen.

War kasoo baxay Ururka xasaradaha adduunka ayaa lagu sheegay in Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka gaar ahaan Qatar iyo Xulufada Sacuudiga in uu khatar ku yahay xasiloonida Soomaaliya.

Ururka ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkooda dalka maamulaan in aysan lakala safan labada dhinac ee is haya, waxa uuna Ururka sheegay in khalalaase ka dhalan karto hadii labada dhinac lala kala safto xasiloono darana ay ka abuurmeyso.

Waxa uu ku baaqay Ururka xasaradaha Aduunka wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna Ururka xusay hadii Soomaaliya ka dhacdo xasilooni daro dheeraad ah in ay ka faa’iiddeysan karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka Carabta ayaa saameyn badan ku yeeshay Siyaasada iyo Deganaanshaha Soomaaliya, waxaana Khilaafka Khaliijka xiisad ka dhax abuurtay Dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni: “Looma dulqaadan karo dhibaatada Somaliland ka wado Laascaanood” (Shir-Jaraaid)

Caydiid Ali

Golaha Wakiilada Somaliland oo markii lixaad muddo kordhin loo sameeyey

Caydiid Ali

Sacuudiga oo ku gacan seyray dalab la xiriira dilka khashoggi oo ka yimid Turkiga

Caydiid Ali