Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweynaha Galmudug oo ku qasbanaaday in uu maanta aado Dhuusomareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug uu ka maqnaa in ka badan 40-cisho.

Dastuurka u degsan maamulka Galmudug ayaa dhigaya  in Madaxweynaha deegaanada Galmudug uusan ka maqnaan karin mudo 45-cisho ah, waxaana la sheegay in Qoor Qoor ka dhamaatay 45-cisho uuna doonayo in uu tago Dhuusomareeb kan asoo laabto.

Qoor Qoor ayaana safarka deg dega ah uu ku tagayo magaalada Dhuusomareeb salka ku haya sidii uu u heli lahaa waqti kale oo dheeraad ah oo kaga soo maqnaado deegaanada Galmudug si uu uga qeyb galo shirarka xalka loogu raadinayo doorashada.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saacado kooban kaliya ku sugnaan doono  Dhuusomareeb waxa uuna si deg deg ah ugu soo laaban doonaa magaalada Muqdisho uu ka socdo shir u dhaxeeya Madaxda DF iyo kuwa maamulada.

Teendhada Afisiyooni waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, shirkan oo socday mudo labo maalin ah ayaa la filayaa in mar kale madaxda beri isugu soo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo soo saaray baaq Caalami ah oo ku socda Waddamada caalamka

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo canaantay Netanyahu ka dib dilkii Samafalayaasha

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Suuq kuyaala Bardaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---