Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo kala geyn jiray lamaanayaasha is qaba

Al Shabaab ayaa xukun dil ah shalay galinkii dambe ku fulisay labo nin oo Odayaal ah kuwaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen saaxiriin ka shaqeeya kala geeynta raga iyo dumarka is qaba.

Fagaare kuyaala deegaanka Buulo Fuulay ee gobolka Baay ayaa lagu toogtay labadan nin oo maxkamada Al Shabaab ku heshay in ay ahaayeen kuwa ku shaqeesta sixirka gaar ahaan bur burinta qoysaska dhisan.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu soo eedeeyay labada nin, waxa uuna qaadiga sheegay in ragan qirteen dambiga lagu soo eedeeyay.

Labada nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabayay Xasanoow Caliyoow Max’med oo 64 sana jir ah iyo Cabdi Ibraahim Sheekh oo 78 sana jir ah , waxaana goobta ragan lagu tooganayay ku sugnaa dadweyne badan.

Al Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay maamulaan xukuno dil ah kula fuliyay dad lagu eedeeyay in ay yihiin saaxiriin, waxaana deegaanada ay maamulaan Al Shabaab kusii yaraanaya kooxaha sixirka sameeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo Wadahadalkii ugu horeeyay yeeshay

Cabdi Cade

Dagaalka Suuriya ka qarxay iyo danaha iska soo horjeeda ee dagaallamaya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo dagaal xoogan kula wareegtay Deegaanka Ceel Muluq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---