Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xaalad deg deg ah oo mar kale lagu soo rogay guud ahaan dalka Talyaaniga (Sababta)

Dawlada Talyaaniga ayaa mar kale bandaw ka dhigtay magaalooyinka wadankaas oo dhan si looga hortago mawjad sadexaad oo xanuunka Karoona ah oo laga cabsi qabo inuu dalkaas ku faafo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska RW Talyaaniga ayaa lagu sheegay in dhamaan gobolada dalkaas bandaw laga dhigayo waxaana dadka la faray inay guryahooda joogaan.

Mas’uuliyiinya caafimaadka Talyaanigu waxay sheegeen in shalay oo kaliya dalkaas laga helay 20 kun oo kiis oo hor leh taasoo ah tiro aad u badan.

Dalka Talyaaniga xanuunka Karoona waxaa ugu geeriyooday tan iyo markii uu dilaacay in ka badan 110 kun oo qof waxaana uu ku dhacay ku dhawaad 4 million oo qof oo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid yahay meelaha ugu daran caalamka ee cudurku ku habsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho & xarun Shirkad Isgaarsiineed oo lala beegsaday

Caydiid Ali

Burcad mooto Bajaaj uu dhacay lagu qabtay isaga oo ku dhax wata Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---