Waxaa markii ugu horeesay la baahiyay wareegto uu taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ku hoos geeyay saldhiga booliiska Garoonka Aadan Cadde Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.
Wareegtadan oo soo baxday 18-ka bishii hore ee Maarso ee sanadkan ayaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay, waxaana taliyaha booliiska horey u beeniyay in saldhiga booliiska saldhiga garoonka Adan Cadde uu hoos geeyay Saadaq Joon .
Saldhiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ahaa mid madax banaan ayaana markan si toos ah loo hoos geeyay taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon, waxaana talaabadan lagu tilmaamay mid siyaasad ka dambeeso.
Talaabadan Saadaq Joon lagu hoos geeyay saldhiga garoonka Aadn Cadde ayaa waxaa si adag uga horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ka leeyahay arintaasi dano gaar ah.
Halkan ka Akhriso wareegtada kasoo baxday taliyaha booliiska
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com