Waxaa saakay labo weerar oo qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday Al Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidanka milatariga Soomaaliya ku lahaayeen Degmada Owdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxyada kadib ayaa ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada weerarka qaaday ee Al Shabaab waxaa dhax maray dagaal xoogan oo socday in ka badan saacad kaa oo dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac soo gaaray.
Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Jenaraal Odwadaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen xeryaha ciidanka la fashiliyay laguna gaarsiiyay jab xoogan.
Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka milatariga in khasaaro aad u badan weerarka ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna xusay taliya in ciidamada wali sii baacsanayaan kooxdii weerarka kusoo qaaday.
Janaraal Odawaa ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ciidamada meydadka dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab iyo kuwa kale oo nolosha lagu qabtay, waxa uuna balan qaaday in warbaahinta usoo bandhigi doonaan khasaaraha weerarka ka dhashay.
Al Shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarada saakay ay ku qaadeen xeryaha ciidamada ee ku leeyihiin Owdheegle iyo Bariire, waxa ayna Al Shababa sheegeen in askar badan ku dileen weerarka sidoo kale hub badan kusoo furteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com