Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Aqalka Koongareeska Maraykanka (Sawirro)

Weerar loo adeegsaday toorey ayaa lagu qaaday aaga laga ilaaliyo Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee US Capitol , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin gaari yar watay ayaa ku dhacay xeendaabka amniga xarunta Koongareeska laga ilaaliyo, waxaana xiligaas kadib ninka toorey ku weeraray ciidamada ilaalada oo goobtaasi ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidamada ka shaqeeya xarunta Koongareeska dowlada  Mareykanka ayaa goobtaasi ku dhintay halka sidoo kale dhaawac culus soo gaaray askari kale .

Ciidamada booliiska ayaana markii dambe toogasho ku dilay ninkii weerarka soo qaaday, waxaana socda baaritaano hay’ada dambi baarista Mareykanka ku wadaan weerarkan ka dhacay xarunta Capitol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar Xasan Al-Bashiir oo la dhigay qeybta ICU ee Isbitaalka Khartuum

Caydiid Ali

Milatariga Sudan oo qaadacay Shirka Nabadda ee ka socda Sacuudiga iyo hal arrin oo Sabab u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---