Dalalka Kenya, Pakistan, Bangladesh & Philippines waxa lagu dari doonaa dalalka dadka ka yimaada ay Liiska Cas (red list) gelisay Boqortooyada Ingiriiska.
Dadka dalalkaas ka yimaada dalalkan marka ay xuduudaha Boqortooyada Ingiriiska soo galaan, waxa la geyn doonaa hoteello ay dowladdu qorsheysay, halkaasoo ay ku geli doonaan karaantiil.
Kenya, Pakistan, Bangladesh & Philippines waxay liiskaas ku biiri doonaan maalinta Jimcaha 9ka bishan Abriil, 2021.
Dadka ka soo jeeda dalalkan ee heysta baasaboorka Britain oo kaliya ayaa loo ogol yahay iney tagaan UK, kuwaasoo galaya karantiilka, iyadoo dadka caadiga ah ee dalalkan u dhashay ay mamnuuc ka tahay iney Britain galaan
Saacaddaas marka la gaaro, qof kasta oo dalalkaas ka yimaada, waxa la dejinayaa hoteello ay dowladdu qorsheysay oo lagu karaantiilayo
Hotelka oo uu qofku ku jiri doono muddo 10 maalmood ah, kharashka ku baxaya oo u dhexeeya £1000-£1700 ($1400-$2380) waxa iska bixinaya qofka la karantiilayo.
Soomaaliya, Itoobiya, Cumaan iyo Qadar ayaa bishii hore lagu daray liiska casaanka ee England, waxaana horey ugu jiray dalal kale, waxaana isla bishii hore laga saaray dalka Portugal & Jasiirada Mauritius.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com