Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay degmada Belad-xaawo

Nabadoon caan ka ah gobolka Gedo ayaa xalay lagu dilay magaalada Belad-xaawo ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Maxamed Xaashi Diiriye ayaa waxaa rasaas ku furay dabley bastoolado ku hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid halkaas ku yaalla

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta dilka ka dhacay.

Ciidamoka tirsan kuwa DF ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, halkaasoo ay baaritaano ka sameeyeen.

Lama oga illaa hadda sababta iy cida ka dambeysay dilka Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka Israel oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Konfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Maxaad ka taqaan Cunsurigii saaka dadka ku xasuuqay labada Masjid (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo lagu hor dhaariyay Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---