Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo khilaafka doorashada kala hadlay Safiirka Sweden

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam (Madoobe) ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Axmed Madoobe iyo safiirka dowlada Sweden u jooga Soomaaliya ayaa kawada hadlay Xaalada uu dalku marayo gaar ahaan Doorashada caqabadaha hortaagan iyo shirweynaha arimaha Doorashooyinka.

Waxa ayna labada masuul sidoo kale kawada hadleyn sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida dalka loogana hirgalin lahaa dalka doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah ayna raali kawada yihiin dhinacyada Soomaaliya.

Safiirka dowlada Sweden oo kamid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu xalinayo khilaafka doorashada sidoo kale looga shaqeenayo sidii loo qaban lahaa shirweynaha looga hadlayo khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Mahmoud Mohieldin

Cabdi Cade

Mareykanka oo War ka soo saaray doorashada C/raxmaan Cirro

Caydiid Ali

Nicolas Martinez oo gaaray Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---