Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo sheegtay in dalka la keenayo qeybtii labaad ee talaalka COVID-19

Wasaaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qorshe dalka lagu keenayo wajiga labaad ee Talaalka karona Feyrus oo ay gacan ka geysanayaan dowladdo saaxib la ah Soomaaliya

Wasiirka Fowsiyo abiikar Nuur ayaa waxa ay tilmaamtay in dalalka Shiinaha Turkiga iyo qaar ka mid aha wadamada Carabta ay Soomaaliya ka garab siinayaa Talaalka maadaama kii koowaad oo marayo meel wanaagsan kaasoo socon doono sedex bilood.

Wasiirada Caafimaadka oo maanta ka hadleysay kulankii golaha shacabka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka ay diideen iney qaataan talaalka ka hortaga COVID-19 taasoo ay sheegtay iney go’aan ka qaadan donaan

Tan iyo markii kiiskii ugu horeysay ee Covid-19 dalka laga diwaan geliyay waxaana la helay 11,398 waxaana ugeeriyooday 529 ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Meta ee leh Facebook oo lagu ganaaxay $846 Milyan

Caydiid Ali

Puntland oo soo saartay qeylo dhaan & baaq deg deg ah

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Doorashadii uu ku guuleestay Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---