Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mursal & Laftagareen oo la kulansiiyey ka dib Khilaaf soo kala dhex galay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Max’ed (Laftagareen).

Labada Masuul ayaa muddooyinkii dambe waxaa la hadal hayey inuu u dhaxeeyo khilaaf ka dhashay qorshaha uu guddoonka golaha shacabka ku doonayo inuu mudo kororsi ugu sameeyo Farmaajo.

Waxaa kulankan soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Somalia oo dooneysa in meesha laga saaro kala shakiga ka dhex taagnaa, iyadoo labada ninba ay ka tirsan yihiin siyaasiyiinta taageersan Farmaajo.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ayagu qeyb ka ah isu soo dhaweynta labada mas’uul.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in wadahadal dheer ka dib la iska shaafiyey kala shakigii ka dhex jiray labada masuul oo haatan ah siyaasiyiinta horboodaya maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda siyaasadeed kadib markii Farmaajo uu waqtigu ka dhacay & Mucaaradka oo..

admin