Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni iyo Danjire Adan Xasan Adan oo kulan Xasaasi ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Xalane uu degan yahay kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Dowlada Jabuuti u jooga Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka dhax mkaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay  xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Labada masuul ayaana kulankooda isku dhaafsaday aragtiyo ku aadan sida xal looga gaari karo khilaafka dib u dhaca u keenay doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa ismari waaga wali taagan.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aragti ahaan iska soo horjeedaan DF iyo maamulada kale ee dalka ka jira ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiilo katirsan beesha caalamka iyo qaar kamid ah safiirada Soomaaliya u jooga wadamada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen iyo Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay iyo Madaxda maamuladda oo Aamusan !!

Cabdi Cade

Dhimashada Xayawaan Caan ahaa oo caro badan abuuray iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

(Sawirro) Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Galgaduud oo la soo bandhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---