Allbanaadir.com
NEWS

Heshiis uu Farmaajo la galayo Madaxda Itoobiya iyo Ertrea oo laga digay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Senator katirsan Aqalka sare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka digay heshiis la sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo uu la galayo Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Qoraal uu soo saaray Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in heshiiska amni iyo midka difaaca uu Farmaajo la galayo dowladaha Itoobiya iyo Eretria ay keeni karto khatar loona baahan yahay in laga fiirsado.

“ Heshiiska la isla dhex marayey oo ku saabsan Amniga& Difaaca oo dhexmara Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah u leh Sababta oo ah adeegsiga aan dhamaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqonaysaa walaac daran ayuu yiri” Senator Cumar Cabdrashiid.

Warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in uu socdo qorshe heshiis amni iyo mid difaac ay ku kala saxiixanayaan Madaxda dowladaha Soomaaliya, Itoobviya iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir hoose la yeeshay madaxda Eritrea iyo Itoobiya , waxaana shaki badan la galiyay heshiisyo qarsoodi ah ay horey madaxdaasi u gaareen iyo kuwa kale ay hada doonayaan in ay hoosta kawada xariiqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ayatollah Khamenei oo ansixinaya Madaxwerynaha KMG ee Iran iyo Muddada uu xilka…

Cabdi Cade

Dagaalkii u dhexeeyey Armenia & Azerbaijan oo weji cusub yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo si adag uga hadlay Cafiska dowlada u fidisay C/Rashiid Janan

Cabdi Cade