Somaaliya waxa ay hadda ku jirtaa hanaan dowlad dhisid ka soo bilbaabatay 1995 xilligaas oo dalka laga aasaasay dowladdii ugu horreysay ka dib burburkii 1991 ee Meesha ka saaray dowladdii dhexe ee askartu hoggaaminaysay. Waxaa 1995 ka dib si xiriir ah u soo billowday dhismaha dowladihii kumeelgaarka ahaa dowladahaas oon marna ku guulaysan soo celintii sharciga iyo kala dambaynta.
Soomaaliya ayaa waxay ku-meel-gaarnimada ka baxday 2012; isla waqtigaas waxaa dalka laga hirgaliyay nidaamka federaalka oo ay awoodda dowladda labo qeybood u qeybsan tahay sida ku cad cutubka 5aad, Qodobkiisa 48aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka ku-meelgaarka ah ee soomaaliya.
Qaadashada nidaamka federalka ka dib, waxaa dalka si rasmi uga sameysmay maamul goboleedyo hoos taga dowladda dhexe iyadoo loollanka iyo cakirnaantu sii siyaaday kadib marka mid kastaa oo kamid ah maamul goboleedyadaas uu samaystay shuruuc iyo dastuur u gaar ah.
Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa isbarbaryaac iyo loolanka siyaasadeed ee faderaalka la samaysmay aniga oo u kala qaadi doona seddaxdaan qeybood ee hoos ku qoran: Loolan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo mamulada xubnaha ka ah, loolan u dhaxeya mamulada dalka iyaga dhexdooda.iyo ugu dambeyn loollan udhaxeeya daneeyeyaasha kursiga madaxtinmada dalka oo taageero ka kala helaayo qaar kamid ah dowladaha caalamka ee danta ka leh arrimaha soomaaliya.
Loolan u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah
Loolanka kowaad, waxa uu u dhaxeeyaa dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Iyadoo uu dastuurka dalka qabyo yahay una baahan yahay dhameystir hadana waxaa si cad u qeexan awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah- taaas oo jirto ayaa waxaa inta badan la arkaa loolan siyaasadeed la xiriira awood-qeybsiga kaasoo u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Arintaan ayaa waxa sabab u ah kala duwanaansho xaga fikirka ah oo u dhaxeeya madaxda.
si hadii loo eego arintan ayaa mid dabiici ah marka lagu jiro hanaanka dib-u-dhiska dal. Arintan ayaa inta badan sababta in uu dagaal siyaasadeed ka dhex qarxo dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah. Meelaha inta badan sadbursiga uu ka jiro waxaa ka mid ah hannaanka dhisidda ciidaanka, hannaanka awood-qeybsiga dhaqaalaha iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalaha.
Loollanka udhaxeeya dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe
Intii lagu gudo jiray burburkii iyo dagaaladii sokeeye, waxaa dalka ka sameysmay maamullo qabali ah oo uu aasaaskooda asal u yahay qabiilka. Maamuladaan ayaa waxay usameysmeen si dabiici ah iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jiray xiligaas ee ugu horreeyaan amniga iyo xasiloonida deegaanka. Arrintana waxaa afka qalaad lagu dhahaa social contract ama axdi bulsho. Mamulka markaas ku sameysma axdiga ayaa waxaa laga rabaan inuu daboolo baahiyaha ka jira deegaanka.
Waxaa inta badan dhacdo in dagaalo dhex maray labo qabiil oo daris ahaa burburkii dalka in ay kala sameystaan labo maamul oo deegaan ahaan daris ah. Arintan ayaa waxay keentaa in aanooyinkii hore iyo wixii qabaa’ilka ka dhex dhacay ay u soo gudubto maamuladii mararka qaarna waxay anooyinkaan la xiriiraan kala tabashooyin siyaasadeed oo dhexmaray dowladihii dalka soo maray iyo bulshooyinkaas maamuladas degan oo cuqdad bulsho isu rogay halkaasna waxaa ka billowda loolan siyaasadeed iyo mid amni oo udhaxeeya labada maamul. Waxaa tusaale usoo qaadan karnaa loollanka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland oo wax badan iska shaabaho sida in labada maamul ay dowaladdii horee askarta ay ku qaaday dagaal khasaaro badan iyo kala shaki sii kala dhexdhigay labadaas maamul ee Puntland iyo Somaliland. Loollanka mamuladan u dhaxeeya markii laga soo tago iney isku heystaan dhul, haddana waxaa la arki karaa in qabiilna uusan ka marneyn meesha.
Tusaalaha kale waa loolanka u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug. Labadaan mamul ayaa intii lagu jiray burburka dalka iyo dagaaladii sokeeyo waxaa dagaalo aad u faro badan dhexmaray qabaa’ilo ka soo kala jeedo maamulada oo haddana deeegaan wadaag ah. Arintan ayaa waxaa la dhihi kara iney saameyn ku yeelatay xiriirka labada maamul isla markaana sare u qaaday loollanka xagga siyaasada ah ee u dhaxeeya.
Loollaanka u dhaxeyaa daneeyayaasha kursiga madaxweynaha dalka
Sida dhaqanka u ah dalalka dimuqaraaddiyadda ka jirto, waxaa afar sanno kasta kadib dhaca doorashooyin. Doorashooyinkan ayaa waxaa ka qeybgala dhammaan inta daneysa kursiga madaxtinimada dalkaas. Soomaaliya waa lamid, afar sanno kasta waxaa uu dalka galaa xaalad doorasho oo loollan aad u xoog badan uu dhexmaro tartamayaasha. Loollanka ayaa inta badan udhaxeya labo dhinaca. Waa dhinaca talada dalka markaas gacanta ku haayo ee rabo inuu mar kale is tijaabiyo iyo dhinac ka soo horjeeda.
Waxaa inta badan la isticmaalaa halku-dhiga ah “isbedal doon’ oo looga gol leeyahay in mamulka markaas jiro lagu bedalo mid kale. Waxaa sameysma gaashaanbur siyaasadeed oo mabda’a ku kala duwan balse ka siman sidii maamulka markaas talada haayo meesha looga bixin lahaa. Maamulka markaa talada haayo ayaa isagana si xooggan isugu daya siduu markale u hannan lahaa talada iyadoo uu adeegsanayo dhammaan qaababka uu ku gaari karo hadafkiisa.
Arinta cajiibka ah ayaa ah in sanad walibo ay hal meel kasoo wada jeystaan kuwo markii hore kala fikir ahaa oo labo qaanadood ku kala jiray. Loollan adag ayaa la galaa kadibna waxaa loolankaa ku soo baxa mid kamid ah daneyaasha kursiga madaxtinimada dalka. Inta soo hartay ayaa inta badan qaarkood ka raadsada jagooyin mamulka cusub ee lasoo dhisi doono halka kuwo kale ay dib u gurasho sameeyaan inta laga gaarayo doorashada soo socota. Waxaa had iyo jeer iyaguna loollan kale oo qarsoon dhexmaraa dowlado shisheye oo midba qof taageera. Dowladii qofka ay taagereysa uu xukunka qabto ayaa inta badan ku yeelata dalka saameyn gudaha iyo dibadda ah.
Isku soo wada duub, Dhammaan loollanada kor ku xusan waxay qeyb ka yihiin hanaanka dowlad dhisida dalka. Dhamaantood waxa ay ku miisaamanyihiin fikiro kala duwan, mid walbo oo loollanka qayb ka ah waxaa uu leeyahay hadaf uu rabo inuu gaaro. Waxaaa inta badan sababa loolanada ayaa ah kala duwanaanshiyaha xagga ahdaafta ah. In lagu kala duwanaado fikirka iyo aragtida waa wax dabiici ah laakiin waxaa muhiim ah had iyo jeer in koox waliba fikirkeeda ay ku miisaanto afkaarta kale kadibna fikiradda la isaga midka yahay la qaato si uu u yaraado loollanka kooxeysiga ku saleysay. Arintan ayaa waxay sahleyso in hanaan dowlad dhisida dalka uu yeesho hal jaho.
By: Mohamed Ali Shire
Qoraa & Cilmi-baare Madaxbanaan oo fadhigiisu yahay Muqdisho Mohshire7@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com