Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda dowlad goboleedyada oo isku mari waayey dhowr qodob oo xasaasi ah

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulankoodu galay maalintii 3aad ayaan wax horumar ah laga sameyn qodobadii laga doodayey ee ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka sida ay sheegayaan Ilo ku dhow dhow shirkii maanta.

Qodobada laga dooday waxaa ka mid ah  ajandaha looga hadli doono shirka soo socdo ee DF iyo dowlad goboleedyada, iyadoo mar kale berri lagu balamay inay isugu yimaadaan kulan kale

Qodobka amniga goobta shirka ayaa madaxda dowlad goboleedyadu waxay mabda’a ahaan isku raacsan yihiin iney AMISOM sugto.

Waxyaabaha kale ee Madaxda Puntland iyo Jubbaland weli ku adkeysanayaan waxaa ka mid ah in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, hase ahaatee madaxda DF ayaan aqbali doonin arrintaas maadaama aysan door dastuuri ah ku laheyn go’aan ka gaarida arrimaha siyaasada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Joe Biden oo Murugo kusoo dhaweeyay Meydadka Askartii looga laayay Kabul (Sawirro)

Cabdi Cade

Qadkii Internetka ee K/Somalia oo shan saacadood ka dib hawada ku soo laabtay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo galabta Safar kale oo dalka dibadiisa ah u baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---