Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo deegaanka Daynuunay .
Howlgalkan ciidamada fuliyeen ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu baacsanayay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo mararka qaar jidka soo gala kuwaa oo fuliya weeraro ay u geestaan ciidamada wadadaasi mara.
Saraakiisha ciidanka milatariga howlgalka fuliyay hogaamineysay ayaa warbaahinta u sheegay in wadada ka sifeeyeen kooxda Al Shabaab sidoo kale sameeyeen balaarin wadada oo maristeeda dhibaato lagu qabay.
Al Shabaab ayaa weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq ka fuliya deegaano katirsan gobolka Baay, waxa ay sidoo kale Al Shabaab mararka qaar jidka u galaan gaadiidka ay wataan ciidanka dowlada .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com