Waxaa maanta baaqday kulankii lagu waday in Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka isugu yimaadaan, kadib cadaadis xoogan oo joojinta shirkaasi lagu saaray Gudoonka golaha shacabka.
Qoraal xalay kasoo baxay gudoonka golaha shacabka loona diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in kulanka maanta baaqday dibna loogu dhigay arbacada, mana shaacin gudoonka sababaha ku qasbay in kulanka baajiyaan.
“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka cadaadis xoogan ku saartay gudoonka golaha shacabka gaar ahaan Gudoomiyaha golaha Maxamed Mursal in ay baajiyaan kulankan shakiga badan laga muujiyay.
Kulanka golaha shacabka ayaana maanta laga cabsi qabay in khalalaase abuuro ,kadib markii gudoonka golaha shacabka soo saaray liiska Xildhibaano loo diiday in kulamada ka qeyb galaan kuwaa oo iyana ku hanjabay in ay tagayaan xarunta Baarlamanaka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com