Wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay dedaalo looga hortagayo qorshaha gudoonka baarlamanka Somalia ku damacsan yahay in muddo kordhin loogu sameeyo heyadaha DF ee waqtigoodii dhamaaday.
Ilo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa xaqiijiyay in Safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, UK iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ay xiriir taleefan oo gooni gooni ah ah la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.
Danjirayaasha ayaa kala hadlay Gudoomiye Mursal arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta oo haddii go’aankaas uu qaato Golaha ay noqon doonto mid wiiqeysa xasilloonida dalka iyo dadaaladii socday.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wakiilada beesha caalamku u sheegeen Mursal inaan la aqbali doonin muddo kordhin, aysana heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeedna lagula xisaabtami doono Guddoonka hadii ay falkaas ku dhaqaaqaan.
Beesha Caalamka ayaa horey marar badan ugu celcelisay inaan la ogolaan doonin muddo kordhin muddo xileedkii hore ee ka dhamaaday Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
Baarlamanka Somalia ee xiligiiu dhamaaday ayaa beri la filayaa iney yeeshaan kulan si weyn loo aaminsan yahay in lagu meel marin doono muddo kordhin labo sano ah oo loo sameeyo heyadaha DF, taasoo hadii ay dhacdo qalalaase cusub ka abuuri karta dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com