Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Daawo Sawirro) Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay kaniisad ku taalla Makassar

Laba qof oo ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay bannaanka kaniisad ku taal magaalada Makassar, ee caasimada gobolka South Sulawesi ee dalka Indonesia, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Afhayeen u hadlay booliiska Indonesia ayaa u sheegay wariyeyaasha in ilaalada albaabka kaniisaddu ay qabteen ismiidaamiyayaasha, ka dibna uu bamku qarxay.

Yuwono ayaa sheegay inaysan mas’uuliyiintu awoodin in ay waqtigan xaqiijiyaan inta qof ee la dilay, iyo in qaybaha jirka ee ku kala firirsan goobta ay yihiin kuwa is-qarxiyay ama dhibbaneyaal.

Wasiirka Diinta ee Indonesia, Yaqut Cholil Qaumas, ayaa si adag u cambaareeyay qaraxan “Waxaan ku boorinayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha diimaha, diintay doontaba ha noqotee, inay u sheegaan dadkooda in aysan jirin diin banneysay argagixisannimada,” ayuu yiri Qaumas.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa isna canbaareeyay weerarkan ismiidaaminta ah, wuxuuna ku amray taliyaha ciidamada booliiska in si qotodheer loo baaro shabakadaha ay ka tirsanaayeen kuwa isqarxiyay, islamarkaana la siibo xididdada kooxdaasi.

Indonesia ayaa muddo dheer waxaa ay wajahaysay weerarrada xagjiriinta, oo uu ku jiro weerarkii argagixiso ee lagu hoobtay ee sanadkii 2002 ka dhacay magaalada Bali oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

COVID-19 ma noqon karaa cudurdaar dib loogu dhigo doorashada Somalia?

Caydiid Ali

(Akhriso) Xildhibaano ka hor yimid amar ka soo baxay xeer ilaalinta K/Galbeed

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo qaaday talaabo lagu soo afjarayo dagaalka TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---