Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo ciidamo dharcad ah geysay kulanka Golaha shacabka iyo shaki taagan

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa soo buuxiyey Hoolka shirarka xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in aanu wali fadhiga soo gelin Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo weli uusan buuxsamin kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka.

Ajendaha kulanka ayaa xaly la shaaciyey inuu yahay  caabuqa Covid-19, inkastoo xildhibaanada qaar ay sheegayaan iney ka shaki qabaan ajande kale oo muddo kordhin ah uu ku hoos qarsan yahay.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa qorsheynaya iney is hortaagaan haddii uu Guddoonka keeno mooshin la xiriira muddo kordhin.

Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo muddo kordhin haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

Sidoo kale waxaa xarunta Villa Hargeysa, lagu arkay ciidamo ka tirsan NISA oo dharcad ah, sida qaar ka mid ah Xildhibaannada ay sheegayaan kuwaasoo ka badan kuwii horey loo keeni jiray, taasoo sii kordhisay shakiga jira,

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW hore ee Soomaaliya oo goor dhow ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyey

Caydiid Ali

Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo weeraray Kontrol Al-Shabaab dhigatay Jidka Buur hakaba & Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---