Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaaliya oo jawaab culus ka bixisay go’aan dhowaan ka soo baxay Kenya

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go’aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay’adda UNHCR ee ahaa in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo oo ay ku nool yihhiin kumanaan Soomaali ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay, Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxaa uu intaas ku daray in Kenya aysan qasab ku celin karin Qaxootiga dalkeeda sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah.

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.” ayuu intaas ku daray wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xerada Af-Urur iyo khasaaro badan oo ka dhashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Dabley hubeysan oo leysay dad ku cibaadeysanayey Masjid

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somalia oo soo bandhigay Qodobo lagu xalin karo dagaalka Tukaraq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---