Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Diyaarad kusoo dhacday Deegaan ay maamulaan (Sawirro)

Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe kusoo bandhigtay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone, taas oo kusoo dhacday deegaan ay maamulaan Al Shabaab.

Diyaaradan oo nuuca wax basaasa ayna ku xirnaayeen kaamirooyin iyo qalab kale ayaa kusoo dhacday deegaan hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaana diyaaradan loo qaaday degmada Jilib oo Al Shabaab awood badan ku leeyihiin.

Goobta lagu soo bandhigayay diyaaradan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in diyaaradan oo howlo basaas ah ku jirtay iska laheyd dowlada Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana duqeymo diyaaradahaasi fuliyeen lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyey Shirka garsoorka Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo canshuur ku soo rogtay dadka isticmaala baraha bulshada

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo geed hoostiisa kula shiray Odayaasha Dhaqanka Xudur (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---